Munaasabad ballaaran oo ay qeyb ka yahiin madax ka tirsan maamul goboleedyada dalka ,wakiillo ka socda beesha calamka iyo sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda federeaalka somalia mudane xasan sheikh maxmauudlka islamarkaana lagu caleema saarayo madaxweynaha Hirshabeelle state mudane Ali Abdullahi Osoble iyo ku xigeenkiisa mudane Ali Guudlaawe ayaa haatan waxa ay si toos ah ugu socotaa howlka shirarka jowhar .
Xafladdan oo ah mid si weyn loo agaasimay ayaa la filayaa inay noqoto munaasabadii ugu dambeysay ee loo sameyo maamulka Hirshabeelle state oo dhismahiisu muddo 10 bilood ah jowhar ka socday dadaallo badanna lagu bixiyay sidii loo hergein lahaa maamul ay yeehsaan labadani gobol oo ugu dambeyn toodbaadki tegay lagu doortay madaxweyne iyo ku xigeen kaddib doorasho xalaal oo qabsoontay .
Munaasabadda caleema saarka ayaa ku soo beegmeysa xilli ay beeshu caalamka si weyn u taagtay dhameystirka maamulka Hirshabeelle state, iyadoo guddiga federaalka ee hergelinta doorashooyinka dadban ay baaq la xiriirra dhismaha aqalka sare u jeediyeen maamulka cusub ee Hirshabeelel state.
No comments:
Post a Comment