Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa wax ka badel ku sameeyay qodobo ka mida Dastuurka maamulkaasi ee dhowaan la ansixiyay.
Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa Baarlamaanka Hirshabeelle wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka bedelka qodobadda kala ah 31-aad cutubka 3aad iyo qodobka 40-aad cutubkiisa saddexaad ee dastuurka Federalka ah.
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo guddoomiyay shirka ayaa sheegay in xildhibaanada maanta ay cod u qaadeen, waxna ka bedelaan, qodobka 31aad faqrasiisa 3aad ee dastuurka Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu ka hor imaanayay Dastuurka KMG ah ee Federaalka, isagoo xildhibaanada Hirsahbeelle u diidaya inay qaban karaan xilalka heer wasiir ee maamulka Hirshabeele. Qodobka 40-aad ee dastuurka Hirshabeelle faqradiiisa 3-aad ayaa ku saabsan in marka uu dhammaado xilliga Baarlamaanka uu Guddoomiyaha Maxkamada Sare kala diri karo baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa soo xaadirey 98 xildhibaan, waxaaya 95 ka mida ay u codeeyeen wax ka bedelka qodobbada Dastuurke ee dib u eegista lagu sameeyay.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa laga sugayaa inuu doorto xubnaha Aqalka Sare ee maamulkaasi oo weli aan la soo magacaabin, isla markaana muran badan ka taagan yahay.
No comments:
Post a Comment