Monday, October 31, 2016

Baarlamaanka Hirshabeelle oo laba Qodob ka bedelay Dastuurka maamulkaasi (Akhri Qodbadda)

Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa wax ka badel ku sameeyay qodobo ka mida Dastuurka maamulkaasi ee dhowaan la ansixiyay.
Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa Baarlamaanka Hirshabeelle wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka bedelka  qodobadda kala ah  31-aad cutubka 3aad iyo qodobka 40-aad  cutubkiisa saddexaad ee dastuurka Federalka ah.
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo guddoomiyay shirka ayaa sheegay in xildhibaanada maanta ay cod u qaadeen, waxna ka bedelaan, qodobka 31aad faqrasiisa 3aad ee dastuurka Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu ka hor imaanayay Dastuurka KMG ah ee Federaalka, isagoo xildhibaanada Hirsahbeelle u diidaya inay qaban karaan xilalka heer wasiir ee maamulka Hirshabeele. Qodobka 40-aad ee dastuurka Hirshabeelle faqradiiisa 3-aad ayaa ku saabsan in marka uu dhammaado xilliga Baarlamaanka uu Guddoomiyaha Maxkamada Sare kala diri karo baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa soo xaadirey  98 xildhibaan, waxaaya 95 ka mida ay u codeeyeen wax ka bedelka qodobbada Dastuurke ee dib u eegista lagu sameeyay.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa laga sugayaa inuu doorto xubnaha Aqalka Sare ee maamulkaasi oo weli aan la soo magacaabin, isla markaana muran badan ka taagan yahay.

Sunday, October 30, 2016

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo kulan la qaatay Amisom.

Guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulka Hirshabeelle state ayaa maanta kulan muhiim ah waxaa uu magaalda jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle kulan kula  yeeshay  saraakiil ka tirsan midowga africa ee Amisom  kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorashada xubnaha aqalka sare ee laga sugayo maamulka Hirshabeelle ,xaqiijinta Ammaanka guud inta ay socdaan howlaha doorashooyinka oo si weyn ugu socda magaalada jowhar.

Xubnaha ka socday Amisom ayaa kala hadlay guddoomiyaha baarlamnaaka mudane sheikh cisman barre sidii ay u dhameystiri lahaayeen howlaha qabyada ah ee ku saleysan doorashada aqalka sare iyo sidii Amisom ay kaalin weyn ugu qaadan lahaayen arrimaha doorashoyinka .

Guddoomiye cismaan barre oo marka hore soo dhoweeyay masuuliyinta ka socotay Amisom  ayaa  xaqiijiyay in doorashada ay todobadkani gudahiisa ka qabsoomi doonto jowhar islamarkaana ay filayaan in si wanaagsan ay ku dhameystirmi doonaan .

Amisom ayaa sidoo kale ka hadashay Amaamnka iyadoo saraakiishu ay ballan qaadeen xoojinta ammaanka iyo in ay fududeeyaan Howlaha la xiriira doorashada ka dhaci doonto jowhar.

Sunday, October 23, 2016

Madaxweynaha hirshabeelle oo la kulmay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer dowlad goboleed

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa xafiiska ku qaablay Gudiga Hirgellinta Doorashooyinka dadban ee dowlad gobleedka Hirshabeelle oo soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobleedka.
Kulanka  oo ahaa mid horudhac ah ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle waxa uu ku soo dhaweeyay Gudiga, si ay uga warbixiyaan waxyaabaha u qabsoomay.
Afhayeenka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee dowlad gobleedka HirShabelle Cismaan Maxamed Muqtaar Baaray ayaa sheegay inay u yimaadeen Jowhar dardar gelinta howlaha doorashooyinka Qaranka.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan Jowhar imaanay maalintii Caleema saarka Madaxweynaah maalinkii ku xigay waan u hambalyaynayna Madaxweynaha iyo dowladiisa, waxaan u imaanay inaan hore u wadno howla na horyaala ee la xiriira soo xulista xildhibaanada Aqalka sare iyo golaha shacabka Jamhuuriyad Soomaaliya inta ka imaanysa goboladan maalmaha soo aadan insha allan waan howl galaynaa” Ayuu yiri Afhayeenka
Madaxweyaha Dowlad gobleeda Hirshabeelle Mudane Cali CAbdulaahi Cosoble oo soo dhaweeyya Gudiga  Doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleed ee Hir Shabeelle ayaa kula dardaarmay inay ku shaqeeyaan cadaalada.
“ Soo dhawaada ku soo dhawaada dowlad goboleedkiina, waan ku faraxsanahay inay si dagdag ah u soo ajiibteen dalabkeeni ahaa in la dardar galiyo howlaha soo xulista Xildhibaanda Qaran ee deegaanada Hirshabeele ka imaanaya, waan idin la shaqeynaynaa waxwalba oo dhankeena ahna waan idin fududeynaynaa insha allah, waxaa la idinka rabaa inaad dadkiina cadaalad ugu shaqeysaan iyo daacadnimo ayuu \yir Madaxweyne Cosoble’’
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in dowlad gobleedka uu soo dhaweenayo waliba si siman Murashaxiinta doonaya Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka.
“Waxaan soo dhaweynaynaa hadii aan nahay Hirshabeelle cidkasta oo doonaysa inay ka mid noqoto Barlamaanka Qaranka uu ku jiro damac siyaasadeed oo deegaankan ka soo jeeda, waxaan rabnaa haduu eeba idmo inay dhacdo doorasho  xor iyo xalaal ah” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble.
Gudiga doorashoyinka dadban ee heer dowlad goboleed oo la dhisay ka hor dhismaha Hirshabeelle ayaa hada helay Dowlad goboleedkoodii iyo halkii ay ku shaqeyn lahaayeen oo ah Caasimadda dowlad gobleedka Hirshabeelle ee Jowhar

Saturday, October 22, 2016

Puntland oo ka hadashay mowqifkeeda ku aadan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabelle state.

Maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyey dhismaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle oo dhowaan lagu dhisay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa loogu hambalyeeyey hogaanka cusub ee loo doortay maamulka Hirshabelle.

Puntland waxay sheegtay iney taageero hiil iyo hooba la leh la garab istaagi doonto maamulka cusub ee Hirshabell inta uu cagahiiisa isku taagayo, iyadoo war-saxaafadeedka Puntland uu u qornaa sidatan

Munaasabadda caleema saarka madaxda Hirshabeelle state oo si qurux badan loogu qabtay jowhar.

Munaasbadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa mas’uuliiyiintii ka qeybgashay ka mid ahaa qaar ka mid ah golaha wasiirada dowlada Soomaaliya,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay munaasabadan  Madaxweynaha Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed,Madaxweynaha Koofurgalbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Beesha Caalamka ooh ore u soo dhoweysay maamulkan cusub ee Hirshabeelle ayaa ka mid ahayd mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay xafladan caleemasaarka waxaana ka mid ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating,wakiil ka socday Midowga Afrika,danjiraha ururka Jaamacada Carabta Maxamed cabdulaahi idiris,safiirka dowlada Shiinaha iyo mas’uuliyiin ka socotay urur goboleedka IGAD iyo dowlada Ethiopia. Dhammaan mas’uuliyiinti ka hadashay xafladan caleema saarka ayaa soo dhoweeeyay maamulka cusub ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u hambalyeeyay maamulka cusub ee Hirshabeelle waxana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in maamulkan u ku soo biiro maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah madaxdii ka qeybgashay ayaa ku amaanay shacabka reer Jowhar martigelinta shirka isagoo soo xusuusiyay dadkii ka qeybgalay shirka in magaalada Jowhar ay ahayd magaalo 12 sano kahor soo dhoweysay dowladii kumeelgaarka ahayd ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed.
Madaxweynaha Galmudug Cabdkarin Xuseen Guuleed oo horena goobjoog uga ahaa doorashadii Madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle, waxana uu ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle booqashadii uu ku tegey magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo qudbad ka jeediyay xaflada caleema saarka ayuu ugaga mahadceliyay madaxda ka soo qeybgashay munaasabada caleema saarka waxana uu sheegay in shacabka reer Hiiraan inay diyaar u yihiin in ka qeybqaataan dhismaha maamulka Hirshabeelle.
“Waxaan si dhaqso ah u soo dhisi doonaa xubnaha Aqalka Sare wadatashi kadib sidoo kale waxaa ay oday dhaqameedyada ay soo xuli doonaan xubnaha u tartamaya baarlamaanka hoose iyadoo doorashadana ay ka dhici doonto Jowhar,”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.
Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay munaasabadan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxana uu ku tilmaamay in maanta ay tahay maalin weyn oo taariikh u ah dhammaan ummada Soomaaliyeed.
“Howsha aan u dabaaldegeyno waa mid si wadajir ah loo qabtay waana howl si wadajir ah loo qabtay mana jirto cid si gaar ah u sheegan karto.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka  waxana uu ku sheegay inuusan raali ka ahayn in maalin ay dib u dhacdo doorashada ka dhacaysa baarlamaanka iyo kan madaxweynahaba, waxana uu ugu baaqay guddiga doorashooyinka inay xooga isugu geeyaan sidii waqtigii loo qabtay doorashada aanay dib ugu dhicin.
Waxa uu ku amaanay Madaxweyne Xasan Shiikh Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble booqashada uu ku tegey magaalda Beledweyne, waxana uu sheegay inay taasi tusaale u tahay sida ay shacabka Beledweyne sida ay u soo dhoweeyeen wafdiga madaxweynaha iyo niyad samida ay muujiyeen in maamulkan dhaqangalo.
Munaasbaadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay kooxda muusiga ee ciidamada Booliska kuwaasoo wadooyinka magaalada Jowhar ku maray gaardi iyadoo dadku ay u soo daawasho tageen.

Xafladda caleema saarka madaxda maamulka Hirshabeelle state oo jowhar ka socoto.

Munaasabad ballaaran oo ay qeyb ka yahiin madax ka tirsan maamul goboleedyada dalka ,wakiillo ka socda beesha calamka iyo sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda federeaalka somalia mudane xasan sheikh maxmauudlka    islamarkaana lagu caleema saarayo madaxweynaha Hirshabeelle state mudane Ali Abdullahi Osoble iyo ku xigeenkiisa mudane Ali Guudlaawe ayaa haatan waxa ay si toos ah ugu socotaa howlka shirarka jowhar .

Xafladdan oo ah mid si weyn loo agaasimay ayaa la filayaa inay noqoto munaasabadii ugu dambeysay ee loo sameyo maamulka Hirshabeelle state oo dhismahiisu muddo 10 bilood ah jowhar ka socday dadaallo badanna lagu bixiyay sidii loo hergein lahaa  maamul ay yeehsaan labadani gobol oo ugu dambeyn toodbaadki tegay lagu doortay madaxweyne iyo ku xigeen kaddib doorasho xalaal oo qabsoontay .

Munaasabadda caleema saarka ayaa ku soo beegmeysa xilli ay beeshu caalamka si weyn u taagtay dhameystirka maamulka Hirshabeelle state, iyadoo guddiga federaalka ee hergelinta doorashooyinka dadban ay baaq la xiriirra dhismaha aqalka sare u jeediyeen maamulka cusub ee Hirshabeelel state.

Thursday, October 20, 2016

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa goordhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Madaxweyne Cosoble ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaldaa Beledweyne.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana soo dhaweeyey xubnaha ugu sareeya maamulka gobolka gobolka Hiiraan iyo shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyn.
Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale waxaa xubnaha wafdiga ka mid ah Maxamed Cabdi Waare oo ahaa musharixii la tartamay Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Jowhar.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho   waxgaradka reer Hiiraan iyo dadka diidan dhismaha maamulka Hirshabeele. Madaxweyne Cosoble ayaa booqasho ugu tegey hotelka uu ka degen yahay magaalada Beledweyne Ugaas Xasan Ugaas Khaliif hase yeeshee ma jiro wax wadahadalo ah oo ay yeesheen.